Madaxweyne Gaas oo ka hadlay duqeyntii dhawaan lagu dilay horjooge Daacish ka tirsanaa

Date:

Puntland(SONNA) Iyadoo dhawaan diyaaradaha Mareykanka ay duqeyn ku dileen horjooge ka tirsanaa Maleeshiyada Daacish ee ku sugnaa Buuralayda Galgala ee Puntland,ayaa arrintaasi waxaa ka hadlay madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland.

Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo Daacish meelkasta oo ay joogaan uu soo dhaweynayo maamulkiisa,si loo ga dul qaado dhibaatada ay shacabka ku hayaan.

C/weli Gaas ayaa xusay in duqeyntii dhawaan lagu dilay horjooge ka tirsanaa Daacish oo ku sugnaa Gobolka Bari inta aan la qaadin ka hor  ay halkaasi howlgalo ka sameeyeen deegaano hoostaga Degmada Qandala oo duqeyntaasi ka dhacday,howlgalkaasi oo kaalin ka ahaa bartilmaameedka koxdaasi,waxaana uu hadalkan jeediyaya mar uu lahadlayaay BBCDA.

Mar uu ka hadlayay arrimaha ka taagan Dekedda magaalada Boosaaso ayuu sheegay in aysan jirin wax dhibaato ah ,islamarkaana ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin in ay la kulmaan gacnacsatada wax kala soo degta Dekedda si la iskula mel dhigo sidii meesha looga saari lahaa mad madowga jira.

Todoobaadyadii ugu dambeeyey deegaanada Puntland gaar ahaan gobolka Bari waxaa siweyn loo hadalhayay labo arrimood oo ay kamid yihiin duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyada Daacish iyo xisadihii ka taagnaa howlaha dekedda magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...