Kulan ku saabsan dhageysiga dadweynaha ee Miisaaniyadda Dowladda 2018 oo muqdisho ka socda

Date:

Muqdisho(SONNA) Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya kulan u dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Guddigga Maaliyadda Golaha SHacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo qeybaha bulshada,kaasi oo ku saabsan arrimaha Miisaaniyadda Dowladda ee 2018.

Kulanka waxaa goob joog ka ah Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle,Wasiiru Dowlaha Maaliyadda iyo gudiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka.

Ujeedka kulanka ayaa ah dhageysiga dadweynaha ee Miisaaniyadda Dowladda sanadka 2017,taasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliy,oo dhawaan la horgeeyay Golaha Shacabka.

Hadafka ugu weyn ee dhageysiga dadweynaha ee Miisaaniyadda Dowladda ayaa ah sidii dadweynaha Soomaaliyeed,aqoonyahanada iyo ururada bulshada Rayidka ay aragtidooda ugu biirin lahaayeen Miisaaniyadda Dowladda ay ku shaqeyndoonto 2018ka,ka hor inta aan baarlamanka Soomaaliya uusan ansixin.

Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda ayaa gaaraysa lacag dhan,  labo boqol todobaatan iyo afar Millyen oo Dollar,lix boqol iyo 30 kun,boqol sagaashan iyo 1(US$ 274,630,191) oo loogu talagalay in lagu qabto guud ahaan howlaha Dalka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...

Dowladda oo casuumaad u dirtay golaha mustaqbalka Soomaaliyeed

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah casuumaad ugh...

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay agaasimaha Hay’adda maliyadda caalamiga ah (IFC) ee Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Suudaan oo Kawada Hadlay Xoojinta Xiriirka Laba-geesoodka ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka...