Akhriso:-War-saxaafadeed ka soo baxay Dowaladda oo ku saabsan Soomaalida Liibiya ku Nool

Date:

Muqdisho(SONNA) War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadada ee Dowladad Soomaaliya ayaa looga hadlay arrimo la xiriira Soomaalida kunool Dalka LIibiya,waxaana uu u qornaa sida tan.

Ka dib markii Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, uu wadatashi kala yeeshay dhibaatada isa soo tareysa ee Soomaalida ku sugan Liibiya, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Yusuf-Garaad Cumar, wuxuu u xil saaray Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Midowga Yurub ee Brussels, Dr. Cali Saciid Faqi, in uu u kuurgalo, soo ururiyo, warbixinna ka soo diyaariyo xogta dhabta ah ee Soomaalida ku xanniban dalka Liibiya.

Maaddaama uu Madaxweynuhu amar ku bixiyay in ay Dowladdu deg deg u qaaddo tallaabo kasta oo sharci ah oo Soomaalida Liibiya loogu soo celin karo dalkooda hooyo, Wasiirku wuxuu Danjiraha farayaa in uu laba toddobaad gudahood ku soo diyaariyo xog sugan oo ku saabsan Soomaalida joogta dalka Liibiya iyo waliba talooyin ku saabsan waxa la gudboon Dowladda Soomaaliya in ay ku dhaqaaqdo.

Mas’uuliyiinta iyo hey’adaha Dowladda ee uu u baahdo in uu waajibkaas loo xil saaray uu la kaashado, wuxuu Wasiirku ka codsanayaa in ay Danjiraha gacan ku siiyaan gudashada waajibaadka Qaran ee xasaasiga ah.

Waxaa xusid Mudan in Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, Maxamed Cali-Nur Xaaji uu hoggaamin doono ergo diblomaasiyiin ah oo uu Midowgya Afrika u xil saaray in ay booqdaan Liibiya si ay qiimeyn ugu sameeyaan xaaladda dadka Afrikaanka ah ee ku xanniban dalkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...