Xukuumadda Soomaaliya oo daah furtay Nidaam Cusub oo Askari walba uu ku qaadanayo Mushaarkiisa+Sawiro

Date:

Muqdisho(SONNA):– Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya   Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta Daah furay Diiwaan-galinta Ciidamada Xooga Dalka oo markii ugu horeysay Taariikhda Soomaaliya  Askari walbo Mushaarkiisa uu ku qaadan doono Akoonkiisa gaarka ah.

Arintaan oo uu hormuud ka yahay Wasiir Beyleh ayaa ujeedkeedu waxa uu yahay in laga gudbo Nidaamka Lacagaha Kaashka ah gacanta loogu qeybiyo Ciidamada taasoo mudooyinkii lasoo dhaafay la isticmaalayay.

Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale ayaa tilmaamay hadii tilaabadan  si rasmi ah loogu guuleysto in ay noqon doonto mid waxbadan ka badasha baahida Ciidanka ay u qabaan helida mushaar joogta ah.

Diwaangalinta Ciidamada Xoogga Dalka ee Xisaabta shaqsiyadeed waxaa si gaar ah maanta loogu bilaabay Ciidamada Milatariga Guutada Madaxtooyada.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga dalka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay dareenkood ku aadan nidaamkaan cusub ee Dowladda Soomaaliya Akoonada ugu fureyso Ciidamada Xoogga dalka,waxayna sheegeen iney tahay talaabo horay loo qaaday oo dhiira gelineysa Ciidamada habeen iyo maalin u soo jeeda difaaca dalkooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu ciribtirayo hanaanka masuq maasuq oo mudo badan soo hareeyay dalka,waxaana hadda muuqanaya ifafaalo Qorshe cad ah looga gaarayo masuq maasuqa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...