Maamulka Jubbaland oo bilaabay Mashaariic shaqo loogu abuurayo dhalinyarada

Date:

Kismaayo(SONNA):–  Mashruuc shaqo loogu abuurayey dhalinyarada ku nool Tuulooyinka hoostaga magaalada kismaayo tababarna lagu siinayey  qaar kamid ah dhalinyarada ku nool deegaanada  kala ah buulo-gaduud yoontooy qaam-qaam iyo goobwayn ayey Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka jubbaland ka biloowday deegaanadaasi.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Arrimaha Gudaha oo uu horkacayay agaasimaha Guud ee Wasaradaa Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka jubbaland oo ay  qeyb ka ahaayeen Gudoomiye ku xigeenada degmada dhinaca amniga iyo agaasimaha Arimaha bulshada Gobolka jubada hoose  oo socdaal shaqo ku tagay deegaanadaasi.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Jubbaland ayaa ugu horeyn la kulmay dadka tuulooyinkaasi una daahfuray mashruuc shaqo abuur loogu sameynayay dadka deegaanadaasi oo ay geedaha kaga jarayaan hareeraha wadooyinka si kooxaha nabad diidka aysan ugu qarin qaraxyada ay shacabka ku dhibaateynayaan.

Markii kormeerkaasi uu soo gaba-gaboobay ayaa mas”uuliyiintani ay saxaafada kula hadleen gudaha xarunta cusub ee maamulka Goobween oo dhawaan ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha jubbaland ay ka hirgalisay deegaankasi.

Marka hore ayaa Wariyaasha waxaa la hadlay Jaamac C/llaahi Ugaas oo ah Agaasimaha Arrimaha Bulshada Gobolka Jubbada Hoose,isagoo shacabka ka faa’ideysanaya mashruucyada ay daah fureen kula dardaarmay iney dhaqan geliyaan waxyaabaha ay  faa’ideystaan,islamarkaana dadka ka danbeeya ay la wadaagaan.

Tan iyo markii ay Jubbaland la wareegtay deegaanada Waqooyiga Kismaayo oo mudo badan ay ku sugnaayeen Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ayaa waxaa socday qorshe lagu fulinayay mashaariic horumarineed oo Bulshada tuulooyinkaasi baahi weyn u qabeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo dhaweynayay Duqa cusub ee magaalada Bristol

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed...

Wasiirka Awqaafta oo kormeer ku tegay Hoteeladda Makka ee laga rarayo xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...