Ra’iisal wasaaraha oo xalay kormeeray baraha Ciidamada Xasilinta Caasimadda

Date:

Muqdisho(SONNA) R/wasaaraha xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Kheyrre ayaa xalay kormeeray baraha Ciidamada Xasilinta ee Caasimadda Muqdisho.

Kormeerka uu sameeyay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa muhiimadiisu waxay ahayd sidii loo dhiira gelin lahaa loona dhisi lahaa niyada Ciidamada Xasilinta Caasimadda oo habeen iyo maalin u soo jeeda sugida amniga Muqdisho iyo dagaalka kooxaha nabad diidka.

” Xarunta CID-da ayaan joognaa iyadoo Saq dhexe ay tahay,waxaan soo marnay dhamaan xaafadaha magaalada Muqdisho intooda badan,Miizaanka dhuxusha, Daaru-salaam, Excontrol,Kaxda,Deyniile meelahaasi dhan ayaan soo marnay anigoo Taliyeyaasha Ciidamada ay isoo tuseen sida xaaladda amniga uu yahay iyo sidey u shaqeynayaan Ciidamada oo dhaxanta taagan aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa”, ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre.

Sidoo kale, Mudane Xasan Cali Kheyre oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in inta uu howlaha kormeerka ah ku jiray Ciidamada ay tuseen dad Al-Shabaab ah oo la soo qab qabtay oo waliba ay soo sheegeen dad shacab ah oo wada shaqeyn dhow la leh Ciidamada amaanka Dowladda Soomaaliya,sida uu Ra’iisal wasaaraha hadalka u dhigay.

Ugu danbeyntii,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku booriyay Ciidamada amaanka iney sii laba jibaaraan waajibaadka loo igmaday ee shacabka ay u hayaan,islamarkaana gacan bir ah k qabtaan kooxaha nabad diidka ee ku dhuumaaleysanaya shacabka dhexdooda dhibaatadana wada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxkamadda Sare ee Dalka oo ansixisay natiijada Doorashada Golaha Deegaanka G/Banaadir

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kama...

Madaxweynaha JFS oo Xarigga ka Jaray Dib u Dhiska Waddada Isku Xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qayb Gashay Shirka Xuquuqda Aadanaha ee IGAD

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka...

Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Natiijo Muhiim ah ka Helay Ciyaartii Isreeb reebka Qaramada Afrika

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta...