Ciidamada Xoogga Dalka oo Baladul-Amiin ku qabtay hub iyo waxyaabo Qarxa.+Sawiro

Date:

Shabeelada Hoose(SONNA) Kadib howlgalkii ay Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab Xoogga  shalay Al-shabaab kagala wareegeen degaanka Baladul-Amiin ee hoostaga Degmada Walaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa gacanta ku dhigay Kartoonyo lagu xareeyay qaraxyo iyo hub Maleyshiyada Al-shabaab ugu jiray guri ku yaala degaankaasi.

Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay guulahaasi ay gaareen ciidamada Dowladda,gacantana lagu dhigay Qaraxyo iyo rasaas oo yaalay guri ku yaala degaan Baladul Amiin,kuwaasi oo ay Shabaabka u adeegsan jireen gumaadka ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Saraakiisha kumaandooska Soomaaliya ayaa xaqiijiyeen in Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ay gacanta ku dhegeen taleefano nabadiidka Al-Shabaab ay u isticmalaan weerarada qaraxyada ay ku xasuuqaan dadka shacabka ah.

Howlgaladani oo ah kuwo qorsheysan ayaa ujeedkoodu yahay sidii Alshabaab looga saari lahaa guud ahaan meelaha ay kaga sugan yihiin gobolada Dalka Soomaaliya,gaar ahaan Koonfurta iyo bartamaha Soomalaiya oo ah halka ay ku dhuumaalaysanayaan.

Waxaa barbar socda  howlgaladaasi dhulka ah,duqeymo xagga Cirka ah oo lagu beegsanayo horjoogayaasha Shabaab,waxaana duqeyntii ugu dambeysay lagu dilay horjooge katirsanaa Daacishta ku sugan Buuralayda gobolka Bari ee Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...