Kismaayo(SONNA):– Mashruuc shaqo loogu abuurayey dhalinyarada ku nool Tuulooyinka hoostaga magaalada kismaayo tababarna lagu siinayey qaar kamid ah dhalinyarada ku nool deegaanada kala ah buulo-gaduud yoontooy qaam-qaam iyo goobwayn ayey Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka jubbaland ka biloowday deegaanadaasi.
Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Arrimaha Gudaha oo uu horkacayay agaasimaha Guud ee Wasaradaa Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka jubbaland oo ay qeyb ka ahaayeen Gudoomiye ku xigeenada degmada dhinaca amniga iyo agaasimaha Arimaha bulshada Gobolka jubada hoose oo socdaal shaqo ku tagay deegaanadaasi.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Jubbaland ayaa ugu horeyn la kulmay dadka tuulooyinkaasi una daahfuray mashruuc shaqo abuur loogu sameynayay dadka deegaanadaasi oo ay geedaha kaga jarayaan hareeraha wadooyinka si kooxaha nabad diidka aysan ugu qarin qaraxyada ay shacabka ku dhibaateynayaan.
Markii kormeerkaasi uu soo gaba-gaboobay ayaa mas”uuliyiintani ay saxaafada kula hadleen gudaha xarunta cusub ee maamulka Goobween oo dhawaan ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha jubbaland ay ka hirgalisay deegaankasi.
Marka hore ayaa Wariyaasha waxaa la hadlay Jaamac C/llaahi Ugaas oo ah Agaasimaha Arrimaha Bulshada Gobolka Jubbada Hoose,isagoo shacabka ka faa’ideysanaya mashruucyada ay daah fureen kula dardaarmay iney dhaqan geliyaan waxyaabaha ay faa’ideystaan,islamarkaana dadka ka danbeeya ay la wadaagaan.
Tan iyo markii ay Jubbaland la wareegtay deegaanada Waqooyiga Kismaayo oo mudo badan ay ku sugnaayeen Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ayaa waxaa socday qorshe lagu fulinayay mashaariic horumarineed oo Bulshada tuulooyinkaasi baahi weyn u qabeen.