Guddiga Gurmad Qaran oo soo bandhigay tirakoobka dadkii ku waxyeeloobay Xasuuqii Ex Zope ka dhacay”Sawirro”

Date:

Guddiga gurmadka Qaran ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay muddadii ay magacawnaayeen, iyagoo soo bandhigay baaxadda qasaaraha ka dhashay qaraxii Zope.

Shir Jaraa’iid oo guddigaasi maanta ku qabtay Magaaladda Muqdisho ayey ugu horreyn ku soo bandhigeen tirakoobka qasaarihii ka dhashay qaraxii Soobbe ee 14-ki Oktober, iyagoo tilmaamay in 10890 qofood ay ku waxyeelloobeen masiibadaasi.

Guddoomiyaha guddigaasi C/llaahi Maxamed Shirwac oo hadlay ayaa soo hadalqaaday caqabadihii ay lu kulmeen muddadii ay hayeen howsha gurmadka isagoo u mahadceliyay dowladda F. Soomaaliya, maam ulka gobolka Banaadir iyo cidkastoo gacan ka geeysatay taageeradda dadka ku tabaaloobay masiibadii Ex Zope ka dhacday.

Sheekh Nuur Buuruud Gurxad oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa, sida ay u soo garab istaageen dadka dhibaatadu ka soo gaartay qaraxaasi, isagoo tilmaamay in jaaliyaddu muujisay damiir wanaagsan oo ku dhisan waddaniyad iyo isjaceyl,  taasoo uu xusay iney dhabbaha u xaareyso midnimo isku duubni Soomaaliyeed, iyo in si isku mid ah looga soo horjeesto cadowga.

?
?
?

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada

Xuska maalinta macallinka Soomaaliya waxaa sanad kasta lagu qabtaa...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho. 1- Madaxweyne Xasan...

Xuska maalinta macalinka Soomaaliyeed oo ka socda Tuulada ciyaaraha Muqdisho

Munaasabada Maalinta Macalinka Soomaaliyeed ayaa saaka si weyn loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kaga qaybgalay Brussels Madasha Afaraad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...