Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga iyo Mukhtaar Roobow oo gaaray Xudur

Date:

Bokool(SONNA) Wafdigan oo uu hoggaaminayo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxmed uuna kamid yahay Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur ayaa goor dhow gaaray magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool.

Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaaladaasi Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Bokool,kan degmada,saraakiil iyo mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya,maamulka K/Galbeed iyo qeybaha Bulshada.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in ujeedada socdaalka Mukhtaar Roobow ay tahay in deegaankiisa uu dib ugu laabtay maadaama uu halkaasi ka yimid markii hore.

Maalinta beri ah ayaa lafilayaa in wafdiga uu meell fagaare ah uu kula hadlo shacabka iyo maamulka.

Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa uu ku sugnaa magaalada Muqdisho,isagoo kulamo kala duwan la yeeshey mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...