Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada XFS oo si diiran loogu soo dhaweeyey Garoowe+Sawirro

Date:

Garoowe(SONNA) Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac  ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe ee Caasimada Dowlada Goboleedka Puntland,ka dib safar shaqo labo maalmood ah ay ku joogi doonaan Garowe.

Wasiirka Shaqada iyo  Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo ciyaaraha puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed  Cabdullaahi  iyo Masuuliyiin ka tirsan Puntland  iyo Maamulka Gobolka Nugaal   ayaa Wasiir Saalax iyo Wafdiga uu hoggaaminayay kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Konoco, wuxuuna soo dhaweyn ka dib  kormeer ku soo maray  Garoonka cusub ee loo dhisaayo Caasimada Garowe, waxuuna warfidiyeenka uu uga waramay ujeedada ay u yimaadeen puntland.

Wuxuu sheegay Wasiir Saalax Axmed jaamac inuu aad ugu farax sanyahay soo dhaweynta diiran ee loo sameeyay

“Aniga oo ku hadlaya magaca wafdiga iyo Wasiirada  kala duwan ee Shaqada iyo Shaqaalaha  Dawlad Goboleeyada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo igu wehliya safarkan  waxaa raali  ka nahay sida aad inoogu soo dhaweyseen magaalada Garowe ee Caasimada Puntland”. Ayuu yiri Wasiir Saalax.

Dhinaca kale Wasiir Saalax ayaa sheegay in berito uu Garowe ka furmi doono (Shirka dib u Eegista iyo ka wadatashiga Sharciga  Shaqaalaha  Rayidka ee L11) oo ay soo diyaarisay  wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dawladda Federaalaka Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...