Sidee Madaxweyne Farmaajo loogu maamusay Caleema-saarka Madaxweynaha Kenya? ( Sawirro )

Date:

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta madaxda caalamka kala qeybgaley xafladda caleema saarka Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Uhuuro Kenyaata oo ka dhacdey magaalada Nayroobi.

Musaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa khudbad ku aaddan hiigsiga, horumarka Kenya iyo xirriika uu dalkaasi laleeyahay waddamada kale ee qaaradda Afrika waxaa ka jeediyay Madaxweye Kenyaata, iyadoo ciidammada kala duwan ee Kenya ay halkaasi ku soo bandhigeen dhoolatus lagu maamusayo caleema saarka.

Xafladda caleema saarka Madaxweyne Kenyaata ayaa ka  dhacdey Garoonka Ciyaaraha ee Kazarani waxaana Madaxdii lagu marti qaaday ka mid ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Cismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni, Madaxweynaha dalka Botiswana Mudane Ian Khama, Madaxweynaha dalka Rwanda Mudane Paul Kagame, Madaxweynaha dalka Tanzania Mudane John Pombe Magufuli, Madaxweynaha dalka Zambia Mudane Edgar Lungu,Madaxweynaha dalka Namibia Mudane Hage Geingob, Madaxweynaha dalka Togo Mudane Faure Gnassingbé, Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn iyo hoggaamiyeyaal kale oo Afrika iyo caalamkaba ka socday.

i

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf Qaran guddoonsiiyey dhiggiisa dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka,...

Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo...