Xuska Dhalashada Nabi Muxamed (NNKH) oo lagu qabtay Mareynkanka+Sawiro

Date:

Columbus(SONNA) Boqolaal ka mid ah Jaaliyadaha Soomaalida oo isaga kala yimid Gobolada dalka Maraykanka ayaa soo buux dhaafiyay xaflada dhalashada Nebigeena Suuban (NNKH) kuwaas oo isugu jiray Culumaa’udiin,dhalinyaro,Haween iyo Caruur ay waalidkoodu la yimaadeen goobta si ay u baraan dhaqankii iyo Sunadii wanaagsanaydee Nebi Muxamed (NNKH).

Culumaa’udiinkii ka hadlay taariikhdii dhalashada ee Nebiga (NNKH) oo ay ku jireen kuwo aan Soomaali ahayn ayaa ku dheeraaday sida ay muqadas ama lagama maarmaan u tahay in la barto sunadii Nebiga iyo saxaabadiisii loogana baahan yahay waalidiinta qoysaska Muslimka gaar ahaana Soomaalida in ay caruurtooda ku ababiyaan ayna baraan wadadii Rasuulkeena SCW.

Qaar ka mid ah Culimadii xaflada ka hadashay ayaa carabka ku adkeeyey dhibaatooyinka iyo falalka ay geysanayaan dad ku andacooda in ay Islam yihiin ee loo geysto dad Muslimiin ah iyo kuwo aan Muslim ahayn,taas oo ay ku tilmaameen in aysan marnaba qeyb ka ahayn dhaqanka iyo Sunadii Nebi Muxamed SCW loona baahan yahay in si cad looga soo horjeesto falalkaas guracan ee ka dhan ka ah Diinta Islaamka, ayagoo tusaale u soo qaatay qaraxii lala beegsaday Masaajid ku yaala Dalka Masar oo ay ka dhaceysay Xaflad midaan oo kale ah.

Caruur ay da’doodu u dhaxeyso 10 ilaa 15 jir oo kaga qeyb galay Munaasabada lagu wenaynayo dhalashada Nebiga SCW su,aalo iyo jawaabo ku saabsan taariikhda suuban ee Islamka ayaa soo jeetay dareenka ka soo qeyb galayaasha ayagoo si qurux badan u soo bandhigay Taariikhda dhalashada Nebiga oo dhameystiran.

Isu imaatinada lagu weynaynayo dhalasha Nebigeena Muxamed SCW ayaa lagu qabtaa caalmka oo dhan waxaana lagu tilmaamaa in ay muhiim u tahay Ummada Muslimiinta si aan maanka looga saarin ku dayashadda tilmaamihii iyo dhaqankii wanaagsanaa ee Rasuulka SCW.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...