Wasiirka Arrimaha dibadda”Dowladda Seychelles dhawaan ayay nagu soo wareejinaysa maxaabiista”+Sawirro

Date:

 Seychelles(SONNA) Mudane Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Soomaliya ayaa Xabsi ku yaalla Jaziiradda Mahé ee dalka Seychelles ku booqday 15 Soomaali ah oo halkaa ku xiran,kuwaasi oo ku xukuman sannado kala duwan ka dib markii lagu eedeeyey burcadbadeednimo.

Waxaa laga soo qabtay xeebaha Soomaaliya,Mid ka mid ah oo ay u dhammaatay muddadii lagu xukumay ayaa bisha Disembar 2017 la sii deyn doonaa,sida uu sheegay Wasiir Yuusuf Garaad oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Twitterka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in Inta kale oo ay u dhimmanyihiin  sannado xabsi ah,balse Mas’uuliyiinta Seychelles ay diyaar u yihiin in isla bisha Disember 2017 ay ku wareejiyaan Dowladda Soomaaliya.

“Dhallinyarada xabsiga ku jirta markii aan la kulmay iyada oo uu i wehliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Seychelles, Danjire Barry Faure iyo Madaxa Xabsiyada Seychelles, Raymond Ange, waxay ii soo dhoweeyeen iina marxabbeeyeen si aad u diirran oo laga dareemi karo Soomaali-jacayl,Inkatsa oo xorriyad la’aan iyo xukun dheer ay ku jiraan, haddana dhallinyarda kama muuqan ilgooyo iyo niyad jab toona”.Ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadada Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Yuusuf Garad Cumar oo ka hadlayay xaaladda nololeed iyo qaabka loo daryeelo maxaabiistaasi ayaa yir”

“Inta ay xabsiga ku jireen waxay ku barteen af Ingiriis iyo xirfado dhowr ah,Intaa ka dib waxaan booqday 6 dhallinyaro ah oo Soomaali ah oo ay ciidammada Midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya ilaaliyaa ay ka soo qabteen aagga Degmada Marka ee Shabeellada Hoose, toddobaadkii hore, dalkanna ku xirnaa afar maalmood,Waa dhallinyaro ku eedeysan burcadbadeednimo.”Ayuu intaasi kudaray Wasiirka.

Dhalinyaradaasi ayaa dhanka kale waxaa ay ku doodayaan in ay ahaayeen kalluumeysato,islamarkaana wax hub ah laguma arag doontooda,balse waxaa ay sheegeen in markii uu matoorka ka ciladoobey ay doontu ula sabeysay jeho kale.

“Markii aan is wareysannay iyada oo ay joogaan Mas’uuliyiinta Arrimaha Dibadda Seychelles, kuwa xabsiga iyo laba xubnood oo ah UNODC, ayaan qol gooni ah tegey oo aan mid mid u wareystay lixdaan nin ee dhallinyarada ah,Faahfaahin badan hadda kama bixin karo,Baaritaan ayaa ku socda,Maxkamad ayaana la soo taagi doonaa
Waxay ku soo xoomeen calanka Soomaaliya oo surnaa baabuurka la igu waday, iyaga oo ku dhawaaqaya – Soomaaliyeey toosa,  toosa oo isku tiirsada,Berrito ayaan mar kale wadahadal la qaadan doonaa mas’uuliyiin sare oo dalkan Seychelles ah.” Wasiir Yuusuf Garaad ayaa hadaladaasi ku soo geba gebeyeey warbixinta ku aadan maxabiistaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...