Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis kala saxiixday

Date:

Muqdisho(SONNA) Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay heshiis ku kala saxiixanayeen baarlamaanada Soomaaliya iyo kan Dalka Jabuuti,kaasi oo ku dhisan wadashaqeyn iyo walaaltinimo.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Federaalak Soomaaliya Mudane Maxmed Sheekh Cusmaan Jawaari,guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare ahna kusimaha guddoomiyaha Abshir Axmed Maxmed(Bukhaari),guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti Maxmed Cali Xumud iyo xubno xildhibaano ah.

Heshiiskaasi waxaa u kala saxiixay Soomaaliya guuddooiye Jawaari iyo Abshir Bukhaari guddoomiye kuxigeenka Aqalka sare  ahna kusimaha guddoomiyaha,halka Baarlamaanka Jabuutina uu u saxiixay  Maxmed Cali Xumud.

Heshiiskan oo dhowr qodob ka kooban ayaa waxaa ka mid ah furista wada hadalo lagu xoojinayo wada shaqeynta labada Baarlamaan iyo sidoo kale sameynta guddiga saaxiibtinimada ee labada Baarlamaan,Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ah habdhowraha golaha shacabka ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiimad gaar ah u leeyahay labada wadan

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed ‘’Abshir Bukhaari’’ ayaa sheegay in xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo.

Waxaa kulanka intii uu socday la isku la soo hadal qaadey muhiimadda ay leedahay wadashqeynta iyo walaaltinimada barlamaanada labada dal ,iyadoo la ammaanay dowrka Jabuuti ay ku leedahay taageerada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumad ayaa sheegay in qodobada heshiiskan ku qoran sida ugu dhaqsiyaha badan u hir gelin doonaan.isagoona bogaadiyay xoojinta xiriirka labada wadan.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo Dowladooda aysan marnaba iloobi doonin abaalkii ay u galeen shacabka reer jabuuti iyo dowladooda ,sidoo kalana Baarlamaanka Soomaaliya ay ka go’antahay xoojinta wada shaqeynta Baarlamaanka walaalaha Jabuuti.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo shir deg deg ah ka yeeshay amniga Doorashada

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano),...