Guddoomiyaasha Golaha Shacabka JFS iyo kan baarlamaanka Jabuuti oo gor dhow gaaray Baladweyne

Date:

Baladweyne(SONNA)Wafdi Ballaaran oo uu  hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha SHacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa goor dhow gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Waxaa kamid ah wafdigaasi Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jamhuuriyadda Walaalaha nahay ee Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo booqasho ku jooga Soomaaliya,Taliyaha guud ee Ciidanka AMISOM, xubno ka tirsan Golayaasha ka la duwan ee Dowladda.

Garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ayaa waxaa ku soo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeele oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo maamulka gobolka Hiiraan,waxaana loo gudbiyay gudaha magaalada Baladweyne.

Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa ah sidii guddoomiyaha baarlamanka Jabuuti iyo wafdigiisa ay u soo booqan lahaayeen Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan,halkaasi oo ay kula kulmi doonaan madaxweynaha Hirshabeelle,saraakiisha AMISOM iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka oo halkaasi Jooga.

Wafdiga guddoomiyaha Baarlamanaka Jabuuti inta uu joogo Soomaaliya waxaa uu ka qeybgalaya shirka xildhibaanada Golaha shacabka halkaasi oo uu khudbad u kaga hadlayo xiriirka walaaltinimo ee labada dal ka jeedin doona.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xeerka Habka Ciqaabta

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayaa maanta yeeshay kulankoodii...

Dowladda Soomaaliya oo ku Dhawaaqday Musharaxnimada Kursiga AU PSC ee 2025–2028

Dowladda Federaalka Soomaaliya,ayaa ku dhawaaqday musharaxnimadeeda ee Kursiga Golaha...

Guddoomiyaha SoDMA oo Xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee HSJ

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka,Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe...

Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...