Wasiiro ka tirsan X.F.S oo Muqdisho ku soo dhoweeyay Ugaas Cumar Geele Maxamed+Sawiro

Date:

Muqdisho(SONNA) Ugaas Cumar Geelle Maxamed oo ka mid ah Duubabka dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanada Maamulka Puntland oo ay wehliyaan Odayaal dhaqameedyo ayaa waxay ka soo degeen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ugaaska oo mudo 20-sano ah ku noolaa dalka Ingiriiska ayaa waxaa soo dhoweeyay Ra,iisul Wasaarhii hore ee soomaaliya Cali Maxamed Geedi Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ,Wasiirka Qorsheynta,Xildhibaano ka kala tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka.

Soo dhaweynta Ugaaska kadib,Ugu horeyn waxaa warfidiyeenada  la hadlay Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waabari oo tilmaamay iney aad ugu faraxsan yihiin soo dhaweynta Ugaas Cumar haddii ay yihiin Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,islamarkana inta uu joogo Muqdisho wax badan ka faa’ideysan doonaan.

Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin soo dhaweynta Ugaaska oo mudo 20-sano ka dib dalka dib ugu soo laabtay.

Sidoo kale,Waxaa madasha soo dhaweynta Ugaas Cumar Geelle Maxamed ka hadlay Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi ayaa carabka ku adkeeyay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay iney ka faa’ideysto hanaanka hogaanka uu qibrad fog u leeyahay Ugaaska maalmaha uu ku sii sugnaan doono magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii,Ugaas Cumar Geelle Maxamed oo Garoonka kula hadlayay Wariyaasha ayaa marka hore u mahad celiyay dhamaan madaxda Qaranka iyo Duubabka dhaqanka sida wanaagsan ay ugu soo dhoweeyeen magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay bandhigga wax-qabadka Xukuumadda Dan-Qaran 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...