Xukuumadda Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Soomaaliland.

Date:

Xukuumadda Soomaaliya ayaa Hanbalyo u dirtay Madaxweynaha cusub ee Maamulka Somaliland kuwaas oo ku guuleystay Doorashadii ka dhacday Deegaanadda kala duwan ee Maamulka Somaliland.

Reysul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ‘Khadar” oo Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in wax badan oo hormar ah ku tilaabsadeen Soomaaliland.

“Waxaan halkan Hanbalyo uga dirayaa Soomaaliland iyo Madaxda Cusub oo ay doorteen waxaa ay muujiyeen dadka Soomaaliland dareen aad u wanaagsan kaas ayaana ah kan hormarkasta lagu gaari karo, Madaxda Xisbiyadda ayaa iyana dhankooda muujiyey dulqaad aad u wanaagsan”.

Dhanka kale Ra’isul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Mahdi Guuleed waxaa uu sheegay in looga baahan yahay Hogaanka Cusub ee Somaliland inay dar-dar galiyaan Wadahadaladii u dhaxeeyey Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland.

“Waxaan hubaa in Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi aqoon badan u leeyahay Soomaaliya dhexdeeda waxaana rejeynayaa in sidda ugu dhaqsiyaha badan dib ugu bilowdaan wadahadaladii u dhaxeeyey Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland kuwaas ayaana wax badan lagu xalin doonaa”

Doorashada ka dhacday Deegaaanadda kala duwan ee Somaliland ayaa waxaa ku guuleystay Xisbiga Kulmiye kaas oo uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu taladda Maamulka Soomaaliland heyn doona Shanta Sano ee soo socoto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...