Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Safar shaqo ku tegay Magaalada Baydhabo ‘Sawirro”

Date:

 

Baydhabo (SONNA), 21 November, 2017—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa safar shaqo oo u-kuurgelid ah ku tegay magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golayaasha Dawladda Federaalka, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Axmed Shiikh Aadan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dadweynaha Koonfur Galbeed soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen, wuxuna sheegay inta uu deegaanka ku sugan yahay inuu wax badan ka baran doono.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqday Jaamacadda Khayre ee degmada Baydhabo, waxana halkaasi uu kula hadlay ardeyda Jaamacadda dhigata oo ku dhiirigeliyey iney sii wataan waxbarashadooda.

Inta uu joogo magaalada Baydhabo, Ra’iisul Wasaare Khayre waxa uu la kulmi doonaa golayaasha, waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

 

 

–DHAMMAAD—-

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...