Shirkad Soomaaliyeed oo ku guuleysatay abaal marinta hal abuurka dhaqan wanaagga maaliyadeed

Date:

DUBAI(SONNA)Adeegga caalamiga ee maal gelinta yar yar ee  Kaah (KIMS) ayaa loo magacaabay ku guuleystaha abaal marinta hal abuurka dhaqan wanaagga maaliyadeed (EFICA AWARD) ee wareegga 2017, taasoo ah abaal marin sanadeed aad u sharaf badan oo ay isla qaban qaabiyaan Thomson Reuters iyo Bankiga Islaamiga Abu-Dhabi (ADIB).  Abaal marinta ayaa lagu aqoonsadaa “xalka ugu wanaagsan ee la fullin karo horumarinta dhaqan wanaagga maaliyadeed ee caalamiga ah”

Seddexda isu soo hartay ee kala ah shirkadda maamulka hantida ee Arabesque ee fadhigeedu yahay Ingariiska, (UK-based asset management firm Arabesque), sanduuqa keydka howl gabka ee Malaysia (Malaysia’s retirement savings fund) iyo Kaah International Microfinance Services (KIMS) ayaa guddi ka kooban khuburo anshaxa maaliyadeed ka dhax doorteen in ka badan boqol tartame oo ka kala yimid dhamaan daafaha dunida.

Kadib markii la dhageystay daawadayaal 450 ah oo kasoo qeyb galay xaflada casha sharafta ah ee EFICA Gala, waxaa codka aqlabiyadda ee kasoo qeyb galayaasha ku guuleystay KIMS, iyadoona heshay abaal marinta ugu sareysa ee Boqol kun oo doolar ($100,000).

KIMS waa hay’adda kaliya ee gaarka loo leeyahay oo si xirfadaysan uga shaqaysa bixinta adeegga maal gelinta yar yar, iyadoona ganacsiyada yar yar ee Soomaaliyeed siineysa maal gelinta iyo keydinta yar yar ee mas’uuliyadda ku dhisan; isla markaana shareecada waafaqsan.

Tan iyo markii la bilaabay 2014kii, waxey KIMS maal galisay 8,000 oo Soomaali ah oo isugu jira qaxooti soo laabtay, barakacayaal gudaha lagu bara kiciyay  (IDPs) iyo qeybo kale oo halis ugu jiray in ay dalka uga tagaan shaqo la’aan u fidisay maal gelin noloshooda wax ka badashay oo gaareysa $8 million.

Isagoo faallo ka bixinayo ku guuleysiga abaal marinta EFICA, Guddoomiyaha KIMS mudane Mustafa Ali, ayaa wuxuu yiri “waan ku faraxsanahay in dadaaladeena aan ku caawineyno dadka ugu nugul Soomaaliya caawa la aqoonsaday. Abaal marinta EFICA ee KIMS waxey aad muhim ugu tahay cadeynta in aan ku taaganahay wadada saxda ah, waxeyna nagu dhiiri gelineysaa in aan sii ballaarino dadaalkena”

Justin Sykes, oo xubin ka ah guddiga maamulka ee KIMS ayaa ku amaanay qaban qaabiyeyaasha EFICA Award in ay kor u qaadeen mabaadi’da anshaxa iyo casriyeynta adeegyada maaliyadeed, wuxuuna yiri “ ku guuleysiga abaal marintan waxey ka tarjumeysaa aqoonsiga sii kordhay ee baahida loo qabo xalalka mudada fog ee ku saleysan suuqa ee wadamada nugul iyo kuwa khilaafaadku saameeyay.

Wuxuu barnaamijka KIMS ee maal gelinta ganacsatada yar yar iyo kuwa dhax dhaxaadka ah (SME) awood u siiyay bulshada nugul in ay noqdaan jilayaal dhaqaale. KIMS ayaa sii wadi doonta sare u qaadida awoodeda waxeyna kordhineysaa adeegyada maaliyadeed si ay shacabka Soomaaliyeed ugu xaqiijiso in ay helaan ilo dakhli oo waara”.

Cabdullaahi Cawad oo ah Agaasimaha Maamulka KIMS ayaa yiri “ Sharaf ayey noo tahay in aan ku guuleysanay abaal marinta EFICA, waxaana Thomson Reuters iyo Bankiga Islaamiga Abu-Dhabi  uga mahad celineynaa fursadda ay kusoo bandhigeen adeegyada maaliyadeed oo casriga ah oo lagu hogaaminayo mabaadi’da dhaqan wanaag ah isla markaana lagu kicinayo dadka ugu nugul faqriga laguna abuurayo dib usoo kabasho dhaqaale”.

Inta lagu guda jiray abaal marinta EFICA AWARD, KIMS waxey soo bandhigtay qorshaheeda ay wax ugu qabaneyso dadka dhaqaalohoodu hooseeyo oo ay ka mid yihiin qaxootiga ku soo laabtay dalka guud ahaan gaar ahaana magaalo xeebeedka Kismayo ee koonfurta Soomaaliya kuwaas oo ka yimid xerada qaxootiga UNHCR ee Dadaab iyagoo intooda badan labaatameeyo sano dalka ka maqnaa.

KIMS waxey xaqiijisay in lacagta abaal marinta EFICA AWARD ay u adeegsan doonto in ay tababaro iyo maal gelino nolosha wax ka badala ku bixin doonto si ay 100 qof oo dheeraad ah ugu caawiso in ay bilaabaan mashaariic ganacsi.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...