Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay dib-u-eegista Dastuurka

Date:

Muqdisho(SONNA)–Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista Dastuurka ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kaasi oo diiradda lagu saaray sidii dib-u-eegis loogu sameeyn lahaa Dastuurka qabyo-qoraalka ah.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ku soo dhaweeyay kulanka islamarkaana sheegay in taladooda ay tahay mid muhiimad wayn leh.

“Odayaasha dhaqanka waxa ay door muhiim ah ka soo qaateen Geedi-socodyadii lagu soo dhisay dawladnimada Soomaaliya kadib burburkii dalka, kaalinta odayaasha ay ku leeyihiin dib-u-eegista Dastuurka waa mid aad u ballaaran oo aan dooneyno in aad naga la shaqeeysaan” ayuu yiri Wasiir Ku-Xigeenka.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan, Proff Maxamed Daahir Afrax, iyo Gudoomiyaha Guddigga Baarlamaanka, Senator Cabdi Qaybdiid, ayaa si wadajir ah u tilmaameen muuhimadda odoyaasha dhaqanku u leeyihiin ololaha dib-u-eegista Dastuurka, waxa ayna odayaasha ka codsadeen in ay ku gacansiiyaan hawsha ay wadaan hay’adaha u xilsaaran dhameeystirka Dastuurka.

Ugu dambayn, odayaasha dhaqanka ee kulanka ka soo qaybgalay ayaa talooyin soo jeediyay, sidoo kale waxa ay bogaadiyeen wadashaqaynta ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo Guddiyada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...