Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in dhowaan Baarlamaanka la horgeyn doono Guddiga madax banana ee la-dagaalanka musuqmaasuqa

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormoor shaqo oo uu ku tagey xafiiska Hanti-dhowrka guud ee qaranka ka sheegay in Xukuumaddu ay xooga saareyso la-dagaalanka musuq-maasuqa, maadaama barnaamijka dawladda ay ugu muhiimsan tahay isla-xisaabtanku.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay Hanti-dhowrka guud ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) iyo hawl-wadeenadiisa ayaa sheegay in dawladdu ay qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu la dagaalamayo masuqa, dhawaana baarlamaanka la horgeynayo guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa, loona baahan yahay in cid waliba ay arrintaa masuuliyad gaar ah iska saarto.

“Waxaa dawladdu ku talaabsatey horumar dhinacyada la-dagaalanka musuqmaasuqa ah. Si loo hiigsado horumar waa inaan meel cad iska taagnaa cid walba oo sameynaysa musuqa ama dhiiragelineysa. Dhawaan waxaa baarlamaanka horgeyn doonnaa Guddiga madaxa banaan ee la-dagaalanka musuqmaasuqa, horumarinta iyo tayeynta hey’adaha ka-hortagga musuqa waa naga go’an tahay.”Ayuu yiri R/Wasaaraha.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in tallaabooyin wax-ku-ool ah oo loo qaado dhinaca la dagaallanka musuqmaasuqa, laguna horumariyo hufnaanta iyo isla xisaabtanka, ay taasi fure u noqoneyso horumar bulsho oo taabbagala.

–DHAMMAAD–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...