R/Wasaare Khayre “Wadan kasta waxaa jihada wanaagsan u kaxeeya aqoon yahanka iyo siyaasiyiintiisa”

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali  Khayre ayaa galabta kulan kula qaatay xafiiskiisaa aqoonyahanada Soomaaliyeed ee (Tallo-Wadaag) oo xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho.

Kulan kan ayaa qayb ka ah dadaalada Xukuumaddu ku dhagaysanayso fikradaha aqoon-yahanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo sameeyo barnaamij dhamaystiran oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka dalka ka jira.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horayntii ku baraarujiyey aqoonyahanada iyo xubnaha bulshada ee kulanka ka qaybgalay iney qaataan kaalintooda ku aadan dawladnimada. Mudane Khayre  waxa uu xusay in albaabada madaxda sare ee Qaranka ay u furan yihiin cid walba oo talo iyo tusaale wanaagsan ku biirineysa, isagoo uga mahadceliyey tallooyinka waxtarka leh ee ay soo gudbiyeen.

“Wadan kasta waxaa jihada wanaagsan u kaxeeya aqoon yahanka iyo siyaasiyiintiisa, maantana waxaa jira yidi-diilo fiican, marka la eego marxaladihii adkaa ee dalku soo maray, loogana soo gudbay wadatashi iyo tanaasul.”Ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ugu danbayntii aqoonyahanka Soomaaliyeed ee kulanka ka qeyb galay ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha sida uu ugu dhega-nugul yahay bulshada qeybaheeda kala duwan, diyaarna ugu yahay inuu dhageysto cid walba oo dalka ku biirin karta talo wanaagsan oo wax dhiseysa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...