Natiijada Doorashadii Soomaaliland oo lagu dhawaaqayo

Date:

Waxaa lagu wadaa in maanta uu Guddiga doorashooyinka uu ku dhawaaqo natiijada doorashadii madaxtinimo ee dhacday 13-kii bishan novembar,iyadoo ay soo dhamaaden tirinta codadka.

Iyadoo taasi ay jiro ayaa hadana  xisbiga mucaaradka ah ee Waddani sheegay in aysan aqbali doonin wixii sharci daro ah xili ay cabashooyin ka muujiyeen qaabkii doorashada u dhacday.

Musharraxa madaxtinimada xisbiga Waddani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta ku dhawaaqay in aysan aqbali doonin natiijada doorashadii madaxtinimada ee 13-ki bishan November ka dhacday Somaliland.

Cabdirraxman Cirro ayaa sheegay in doorashada ay ku gaddaamantahay madmadoow fara badan badan, taasoo dhalisay buu yiri musuq-maasuq iyo ku shubasho baahsan oo ka dhacday dhamaan meelihi ay ka dhacday doorashada ee Somaliland.

Dhawaan waxaa ka dhacay deegaanada Soomaaliland rabshado salka ku haaya habka ay u dhacday doorashada,taasi oo ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...