Muuse Biixi Cabdi oo bedelaya Madaxweyne Siilaanyo

Date:

Soomaaliland(SONNA) Waxaa si rasmi ah goor dhow loogu dhawaaqey natiijada doorashadii Soomaaliland iyadoo uu ku guuleystay Muuse Biixi oo loo doortay Madaxwaynaha Cusub ee Somaliland oo ahaa Musharaxiii madaxwayne ee Xisbiga Kulmiye,kadib  doorashadii Somaliland ka dhacday 13 November ee sanadkan.

Waxaa uu xisbiga Kulmiye Doorashadaasi ka helay Saddex Boqol oo kun, shan kun, sagaal Boqol iyo Sagaal codadkii la tiriyay 300,5909 oo doorashada ka noqonaysa 55.59% sida uu shaaciyaya guddiga doorashooyinka.

Xisbiga Mucaaridka ee Waddani ayaa isna Helay Laba boqol oo kun, lix iyo labaatan kun iyo laba iyo sagaashan cod 200, 26092,taasi oo u dhigmaysaa tiro dhan 40.75% doorashadii Soomaaliland ka dhacday

Sidoo kale waxaa isna loolan adag kujiray Xisbiga UCID kaasi oo isna  helay saddex iyo labaatan, boqol iyo kow iyo afartan 23141)4.17% taasi oo ah tiro ka yer marka loo fiiriyo labada xisbi ee kale.

Hay’adaha ammaanka ayaa ciidamo aad u farabadan daadiyaay kuwaasi oo loogu talagalay in ay ka hortagaan suurogalnimada in halkaasi ay ka dhacaan bannaan baxyo rabshado wata taasi oo laga cabsi qabo in ay dhigaan taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ee Wadani.

Tani ayaa soo afjaraysa hadal hayn iyo rajo qofkasta uu u qabay in uu isaga ku guuleysto xisbigiisa siyaasadeed,Muuse Biixi waxaa uu bedeli doonaa Axmed MAxamed Maxamuud Siilaanyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka Daahfurtay Qaybta 1-aad ee Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad...