Xildhibaanno Maraykan ah oo ku eedeeyay dowladda Myanmar in ay gashay dambi dagaal

Date:

Dhaka- (SONNA)- Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Maraykanka oo booqanaya Xeryaha Qaxootiga ee  dadka Rohingyaha ee dalka Bangaladhesh ayaa  ku eedeeyay Dowladda Myanmar in ay gashay danbi dagaal oo lagu tilmaami karo isir sifayn lagu sameeyay dadka laga tirada badan yahay ee Rohingya.

Ixsaan Kariim oo ah Afhayeenka Ra’iisal wasaaraha Bangaladhesh ayaa sheegay in madaxa wafdiga Xildhibaanada maraykanka mar ay magaalada dhaka ee Bangaladhesh ay kula kulmeen Shiikh Xasiina Ra’iisalwasaaraha Bangaladhesh ayuu ku sifeeyay dhibaatadii ku dhacday dadka Rohyngyaha in ay tahay danbi dagaal.

Wafdigaan ka kooban 5ta Xildhibaan ee maraykanka ah ayaa inta aysan la kulmin Ra’iisalwasaaradda Bangaladhesh waxay soo booqdeen xeryaha ay ku jiraa n Qaxootiga Rohingya ee ku yaal xudduuda labada dal ee Bangaladhesh iyo Myanmar.

Wasiiraddda arimaha dibadda Bangaladhesh ayaa sheegtay in dalkeedu uu wadahal la bilaabi doono todobaadkan Mynyamar kaasi oo lagu baadi goobayo heshiis laga gaaro dib u celinta Qaxootiga Rohingya ee dalkooda sida qasabka ah looga barakiciyay.

Dhanka kale wasaaradda arimaha dibadda ee Shiinaha ayaa soo bandhigtay Qorshe xaldoon ah oo ka kooban 3qodob oo kala ah:-

1- in tallaabada koowaad la gaaro Xabad joojin.

2- in la qobto kulan laba geesood ah oo miro dhal ah.

3- iyo ugu danbayn in la gaaro xal muddo dheer oo kama danbays ah.

Booqashada wafdiga maraykanka ee ka kooban xildhibaanada ay ku tageen xeryaha qaxootiga ee Rohingya iyo eedayntooda ah in dowladda Myanmar ay gashay danbi dagaal waxay sii cuslayn doontaa baaqyadii caalamka ka soo yeerayay ee ahaa in aan indhaha laga qabsan Xasuuqa lagu hayo dadka Muslimiinta ah ee Rohingya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Qaranka oo duqeyn ku dilay 41 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo Xoogga Dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay lataliye Sare ee rrimaha difaaca

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Isgaarsiinta oo xilalka u kala wareejiyey Agaasimihii hore iyo Agaasimaha cusub

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Xildhibaan Maxamed Aadan...

Ra’iisul Wasaare Xamse: “waxaa guuleystay qofkii dila ama ay dilaan khawaarijta”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...