Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka oo Booqday Saldhiga Turkiga ee Muqdisho+Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Cabduweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa Maanta booqday Saldhiga Dowlada Turkiga ee Magaalada Muqdisho, halkaas uu ka socdo tababar tayo sare leh oo la siinayo ciidamo gaaraya 400 oo isugu jira Saraakiil, Saraakiil xigeen iyo ciidamo.

Taliyaha ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Turkiga ee Tababarka siineysa Ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna ka dhageystay warbixin ku saabsan sida Tababarka uu u socdo, isagoo sidoo kale mid mid u kormeeray qeybaha Cuntada, Jiifka, Tababarka iyo Fasalada ay ku wax ku bartaan ciidamada.

Intaas ka dib Cabduweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa khudbad dheer u jeediyay Saraakiisha, Saraakiil xigeenada iyo Ciidamada Tababarka uu u socdo, isagoo ku booriyay in ay tababarka si wanaagsan kaga faa’iideystaan, maadaama uu yahay mid tayo fiican leh isla markaana ay tahay fursad qaali ah oo ay ciidamada u heleen inay ku tababartaan Saldhigan leh adeeg kasta oo ka jira Saldhigyada caalamka, wuxuuna ku dhiiri galiyay ciidamada inay yihiin Madaxda Mustaqbalka lagana doonayo inay si wadaniyad iyo dal jaceyl ku jirto wax u bartaan si ay dalka u hoggaamiyaan cadowga Nabad diidka ahna ula dagaalaan.

Taliya Ciidamada Xoogga ayaa sidoo kale u mahad celiyay Saraakiisha Dowlada Turkiga ee tababarka bixineysa, wuxuuna si guud dowlada Turkiga ugu amaanay doorka ay ku leedahay dib u dhiska ciidamada xoogga dalka, oo guud ahaan la doonayo inay la wareegaan amniga dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS oo gaaray magaalada gaaray Magaaladda Kampala.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

Munaasabadda dhagax-dhigga masaajidka cusub ee laga dhisayo Taliska Ciidanka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo is-afgarad ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...