Qaar ka mid ah Dhaawacyadii Qaraxii Soobe oo maanta dib loogu celiyay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SONNA) 13 ka mid ah dhaawacyadii bishii October loo soo qaaday Dalka Suudaan ayaa maanta dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho kuwaasooo xaaladooda Caafimaad ay soo wanaagsanaatay.

Bukaanadani ayaa ka bogsaday dhaawacyadii ka soo gaaray Qaraxii Isgoyska Zoobe ka dhacay 14-kii bishii hore, ayaa waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Khartuum ka sagootiyay Jaaliyadda, Ganacsato, Arday iyo madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan uu horkacayo Danjiraha Safaaradda Maxamed C/llaahi Ugaas.

Mid ka mid  dadkii la socoday bukaanada oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa uga mahad celiyay sida ay Soomaalida reer Suudaan u garab istaageen mudadii ay joogeen Suudaan.

Dhanka kale Cabdifataax Maxamed Barqadle oo ka mid ah gudiga gurmadka Suudaan ayaa u mahad celiyay cid walba oo ka qeyb qaadatay gurmadka loo fadiyay Walaalahood asigana inta dhiman u rajeeyay Caafimaad.

Gabagabadii Safiirka Soomaaliya ee Dalka Suudaan Maxamed C/llaahi Ugaas ayaa asigana mahad celin aan la soo koobi Karin u jeediyay Dowladdaha Qadar iyo Suudaan kaalinta weynn ay ka qaateen gargaarka iyo gurmadka loo fidiyay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.

“Waxaa u mahadcelineynaa Dowladda Suudaan iyo Dowladda Qadar oo u gurmaday shacabka Soomaaliyeed, waxaan u mahadcelineyaa sido kale dhamaan Jaaliyadda iyo Ardayda reer Suudaan ee gacan ka geystay in qaar ka mid ah walaalahood ay bogsadaan”ayuu yiir Danjire Maxamed C/llaahi Ugaas.

Dowladaha Qadar iyo Suudaan ayaa si walalatinimo ah ugu soo gurmaday dadkii ku dhawaacmay qaraxii Zoobe ee 14-kii bisii hore ka dhacay Magaalada Muqdihso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...