MadaxwyneWaare oo wada qorshe uu ku soo dhisayo Golihiisa Wasiirada

Date:

Ilo wareedyo ay heleyso Wakaaladda SONNA ayaa sheegaya in weli Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ay ka socdaan  kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Magacaabista Golaha Wasiiradda maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Hirshabeele ayaa wadaa kulamo wadatashi ah oo ku aadan soo xulista xubanaha Golaha Wasiirada oo dhawaan la dhisidoono la yeeshey mas’uuliyiin kaladuwan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeele Sheekh Cusmaan Bare iyo madaxweynaha oo ay weliyaan madaxweyne ku xigeenka ayaa wadatashiyo ku aadan qaab dhismeedka Golaha Wasiirada ku yeeshey magaaalada Jowhar.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa doonaya in ay ka mid noqdaan Wasiiradda cusub ee lasoo Magacaabayo,inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in madaxweyne Waare uu wado qorshe ku aadan isbedelo cusub la sameeyo.

Waxaa laga dhursugayaa madaxweynaha magacaabista Golaha Wasiirada marka ay so dhamaadaan kulamada wadatashiyada ah oo todobaadyadii ugu dambeeyey ka soconayay magaalada Jowhar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...