MadaxwyneWaare oo wada qorshe uu ku soo dhisayo Golihiisa Wasiirada

Date:

Ilo wareedyo ay heleyso Wakaaladda SONNA ayaa sheegaya in weli Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ay ka socdaan  kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Magacaabista Golaha Wasiiradda maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Hirshabeele ayaa wadaa kulamo wadatashi ah oo ku aadan soo xulista xubanaha Golaha Wasiirada oo dhawaan la dhisidoono la yeeshey mas’uuliyiin kaladuwan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeele Sheekh Cusmaan Bare iyo madaxweynaha oo ay weliyaan madaxweyne ku xigeenka ayaa wadatashiyo ku aadan qaab dhismeedka Golaha Wasiirada ku yeeshey magaaalada Jowhar.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa doonaya in ay ka mid noqdaan Wasiiradda cusub ee lasoo Magacaabayo,inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in madaxweyne Waare uu wado qorshe ku aadan isbedelo cusub la sameeyo.

Waxaa laga dhursugayaa madaxweynaha magacaabista Golaha Wasiirada marka ay so dhamaadaan kulamada wadatashiyada ah oo todobaadyadii ugu dambeeyey ka soconayay magaalada Jowhar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...