Madaxweynaha JFS oo siweyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Abu-Dubai+Sawiro

Date:

Abu-Dubai(SONNA) Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Abu-Dibai ee Caasimadda halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Sida ay SONNA u xaqiijiyeen saraakiil katirsan Madaxtooyada Soomaaliya,Waxaa ku wehliya safarka Madaxweynaha Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibadda C/qaadir Axad Khayr,xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya,talayaal iyo xubno kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmi doona madaxda Isutaga Imaaraadka Carabta,waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan waxaa kamid ah xoojinta xiriirka labada dal,iskaashiga dhinacyada Ammaanka,dhaqaalaha iyo ladagaalanka arggagixisada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Waa markii labaad ee uu socdaal ugu ambabaxo dalka Imaaraadka Carabta tan iyo markii la doortay.

Dowladda Soomaaliya ayaa xiligaan wada dadaal xoogan oo dalka looga xoreynayo Maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana taasi ay keentay in ciidamada xoogga ay howlgalo ka bilaabaan meelaha lagu tuhmayo in ay ku dhuumaaleysanayaan Maleeshiyaadkaasi.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarriga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo xarigga...