Khilaaf ka dhashey shirkadda Kuwait Arilines oo in ay qaado muwaadiniin Israel u dhashey

Date:

Sida ay baahinayaan warbaahinada caalamka qaarkood,Maxkamad ku taaalla Jermalka ayaa go’aan ku gaartay in shirkadda diyaaradaha ee Kuwait airline ay xaq u lahayd in ay diido in aysan qaadin muwaadin Israa’iil u dhashay,taasi oo keentay kala tuhun oo kala dhexgala labada dal.

Maamulka Yuhuudda ayaa lagu soo waramayaa in ay u arkaan go’aankaasi mid aan wanaagsanayn islamarkaana ay caro xoog leh ka muujiyeen,kadib markii Shirkadda Kuwait Airways ay diiday in ay qaado macmiil ka goostay tigid oo ka bixi lahaa Frankfurt isaga oo u socday magaalada Bangkok ee ee xarunta Dalka Thailand,waxaana Maxkamad ku taalla Frankfurt ay sheegtay in shirkadda diyaaraddu ay ixtiraamaysay shuruucda dalka Kuwayd oo aan aqoonsanayn dalka Israa’iil.

Waxay sheegtay Maxkamaddu in aysan awoodin in ay meesha ka saarto sharciga dalka Kuwayd, Sharciga dalka Jermalkuna uu qeexayo faquuqa ku salaysan, midabka, qawmiyadda ama diinta balse aysan ku jirin muwaaddinnimada.

Qareenkii u doodayay rakaabka oo lagu magacabo Nathan Gelbart ayaa go’aanka maxkamadda ku tilmaamay “mid laga xumaado marka si guud loo fiiriyo dimuqraadiyadda iyo ka Jermal ahaanba,isagoo yiri“Go’aankaasi ma sii taagnaankaro, rakaabkuna racfaan ayuu ka qaadan doonaa xukunka ayuu yiri.

Waxaa sidoo kale arrintani aad uga soo horjeestay Guddiga dhexe ee Yuhuudda Jermalka oo sheegay “in ay tahay wax aan la aqbali karin in shirkad ajnabi ah loo ogolaado in ay Jermalka ka dhex shaqayso iyadoo ku dhaqmaysay arrin caalamka looga arko in ay Yuhuudda liddu ku tahay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...