Shacabka Zimbabwe oo sugaya talaabada xigta ka dib howlgalkii Militariga ay kula wareegeen dalka

Date:

Muqdisho(SONNA) Shacabka Zimbabwe ayaa sugaya iney arkaan talaabada xigta ee ay qaadayaan Militariga dalkaasi,maadama inta badan dalka ay la wareegeen.

Madaxweyne Robert Mugabe ayaa hadda xabsi guri ah,balse waxaan cadeyn halka ay cirib iyo jaan dhigtay xaaskiisa Grace.

Qaar badan oo ka mid ah dadka reer Zimbabwe ee ku sugan caasimada Haraare ayaa aqbalay in hogaamiyaha kali ah ee ay yaqiineen tan iyo xoriyaddii xafiiska laga qaado.

Qaar badan oo ka mid ah dadkii ay isku dhawaayeen ayaa isaga dheeraaday xaaskiisa Grace, oo loo arko in ay ahayd qofkii horseeday in militariga ay soo faragaliyaan xaaladda.

Ururka midowga Afrika ayaa sheegay in militariga ay u xaqiijiyeen in tallaabadooda ay tahay mid kumeel gaar ah islamarkana aysan ahayn afgambi.

Gudoomiyaha midowga Africa, Moussa Faki Mahamat oo ku sugan Washington ayaa sheegay in ururka ay ka so horjeedaan isbadal waliba oo aan dastuurka waafaqsanayn oo lagu samaynayo dowlad.

Madaxa midowga Africa Alpha Conde ayaa dhankiisa sheegay in waxa ka dhacay Zimbabwe uu u muuqdo afgambi, wuxuuna ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan dib loogu soo celiyo amar iyo kala dambeyn ku dhisan dastuurka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe, Antonio Guterres, ayaa dhankiisa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Zimbabwi ay is xakameyaan.

Militariga Zimbabwe waxay beeniyeen in tallaabadda ay qaadeen ay tahay afgambi militari.

Wafdi ka socda Beesha caalamka ayaa tagay magaalada Harare ee caasimada dalka Zimbabwe,si ay gacan uga geystaan daminta xiisada ka soo cusboonaatay dalkaaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...