Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya oo maanta tababar loogu qaadayย dalka Sacuudiga “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA), Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo gaaraya ilaa 5 sargaal, ย ayaa maanta tababar lagu baranayo habka hubinta dukumintiyada dhoofka ย loogu qaaday dalka Sacuudiga, waxaana tababarka waxa uu usocon doonaa muddo 10 cisho ah.

Ku simaha Agaasimaha Guudย  ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Cabdulahi Xaaji Bashiir Shiine, ayaa sagootiyey saraakiisha, waxaana uu kula dardaarmay in ay si wanagsan u soo qaatan tababarka maanta loo diray, isla markaana ay wax badan ka soo faa’iidaan habka ay u shaqeeyan Saraakiisha Socdaalka qaabilsan ee Dalka Sacuudiga.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa dadaalo badan ugu jirta siddii shaqaalaha hay’addaasi ay u heli lahaayeen tababaro xirfadooda lagu dhisayo, waxaana ย horay sidaan oo kale tababaro kala duwan ย dalka dibadiisa ah u aaday qaar kamid ah Shaqaalaha HSJ.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hayโ€™adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo Degamda Kaaraan maanta ka qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen...