Guddiga doorashooyinka Soomaaliland oo ka digay in la hor dhoco natiijada

Date:

Iyadoo lasugayo natiijada dorashadii ka dhacday Soomaaliland ayaa waxaa uu war culsu ka soo baxaya giddiga doorashooyinkaasi,Saciid Cali Muuse oo ah Afhayeenka Guddiga doorashada Somaliland ayaa sheegay inay wali socoto tirinta cododka doorashadii dhowaan dhacday,wuxuuna afhayeenku  ka digay in laga hordhaco natiijada doorashada oo aan wali soo bandhigin Guddiga.

Saciid Cali Muuse ayaa sheegay inay maqleen warar isa soo taraya oo sheegaya in xisbi walba uu dabaal degayo, isla markaana sheeganayo inuu guul gaaray, taasoo uu ku tilmaamay in aanay waxba ka jirin.

Sidoo kale waxaa uu ku baaqay in la joojiyo dabaal degyada beenta ah, isla markaana ay keeni karto dhibaato sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa laga sugayaa Guddiga doorashada Somaliland in ay ku dhawaaqaan natiijada doorashada taasi oo ah mid siweyn loo sugaya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in laga yaabo in natiijada doorashada lagu dhawaaqo maalinta berri oo jimco ah,inkastoo ay suuro galtahay in dib u dhac uu yimaado.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...