Kulan looga hadlayay ka qeyb qaadashada Horumarinta dalka oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Muqdisho(SONNA) Kulan looga hadlayey Wacyi galinta Shaqaalaha Dowladda sida ay uga qeyb qaadan karaan Hormarka Dalka ayaa ka dhacay magaaladda Muqdisho kaasoo ay ka qeyb galeen Mus’uuliyiinta ka tirsan Wasaaradda Shaqadda Iyo Arrimaha Blshadda Soomaliya

Kulankan ayaa looga hadlayey Wacyi Galinta Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya iyo qaabka ay ugu qeyb qaadan karaan Hormarka Dalka iyo arrimo kale.

Waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaana soo agaasimahay Xiriirka Guud ee Guddiga Shaqalaha Dowladda Soomaaliya.

Nuur Axmed Diiriye Gudoomiye ku xigeenka Ururka Shaqaalaha Dowladda iyo C/risaaq Macalin Cilmi Gudoomiyaha Ururka Shaqaalaha Dowladda ayaa si-dajir ah u sheegay in loo baahan in Shaqaalaha Dowladda inay si-wanaagsan ula socdaan Waajibaadka lagu leeyahay iyo kan iyagu leeyihiin.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda Maxamed Cadde Mukhtaar ayaa sheegay in Shaqaalaha Dowladda laga rabo inay qeyb ka qaataan wax soo saarka Dalka iyo kobcinta Dhaqaalaha Dalka.

“Waxaan ka rabnaa Shaqaalaha Dowladda inay qeyb ka qaataan wax soo saarka dalka iyo Kobcinta Dhaqaalaha,taasi ayaana Muhiimad Gaar ah noo leh runtii waxaa ay shaqaaluhu ku soo shaqeeyeen xili adag balse hadda meel wanaagsan ayey marayaan”.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda  sidoo kalena ah kusimaha Wasiir C/casiis Salaax Armaan ayaa waxaa sheegay haddii siwada jir ah loo shaqeeyo wax badan toosayaan sidoo kale Shaqaalaha Dowladda xil iska saaraan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen sugidda Amaanka Dalka iyo Difaaciisaba.

“Waxaan qabsan karnaa wax badan hadii aan u waddo shaqeyno siwadajir ah, waxaa kale oo nagala rabaa in aan qeyb ka qaadano Amaanka Dalka iyo Difaaciisaba taas ayaana muhiim inoo ah meel kasta oo aaan joogno”.

Barnaamijkan ayaa waxaa uu socon doonaa muddo  Seddex Bilood ah sidda uu Qorshuhu yahay waxaana lagu qaban doonaa Xarumaha kala duwan ee Wasaaradaha Xukuumadda, Iyadda oo Maanta lagu qabtay Xarunta Acedemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta..

W/Q:  Ali Axmed Sheikh

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen oo ka warbixiyey xaallada ay ku sugan yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Yemen

Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen, Danjire Cabdixakiin Xaaji Maxamed...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado sharaf ah ku maamusay Madaxdii hore ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf Qaran guddoonsiiyey dhiggiisa dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...