shir looga hadlayey xoojinta Amniga iyo dib u heshiinta oo lagu soo gabagabeeyay  Gaalkacyo

Date:

Gaalkacyo (SONNA), Shir muddo labo maalmood ah kasocday magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo uu soo qaban qaabiyay urur Goboleedka IGAD xafiiskiisa Soomaaliya, ayaa maanta lasoo gaba gabeeyay, iyaddoo shirkaasi diiradda lagu saarayay ,fulinta heshiisyadii dhinaca nabadda ee ay dhowaan wada gaareen dhinacyada Puntiland iyo Galmudug ,adkeynta xabad joojinta iyo dhismaha nabadda.

Kulanka, ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyeyaasha Gobolka Mudug iyo degmada Gaalkacyo ee Puntiland iyo Galmudug ,xubno kasocday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo xubnaha guddi isku dhaf ah oo hore loo magacaabay si ay uga shaqeeyaan nabadda Gaalakacyo iyo Mas’uuliyiinta IGAD oo iyaggu kulanka soo qaban qaabiyay.

Aragtiyo kala duwan iyo talooyin dhaxalgal ah oo ku saabsan ilaalinta iyo wadajirka buslahada Gaalkacyo,  ayaa kulanka leysuku dhaafsaday, iyaddoo dhinacyada ay wada qireen sida loogu baahan yahay wada daganaashaha dadka deegaanka.

Masuuliyintii kasoday dhanka dowladda federaalka ah,maamulada Galmudug iyo Puntiland, ayaa isku afgartay in si dhow ay uga wada shaqeeyaan si wax looga qabto baahiyaha dhanka bani’aadannimada ah iyo dhanka dhaqaalaha ee kajira degaanka.

Urur goboleedka IGAD, ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhinacyada Puntiland iyo Galmudug inay awood dheeraad ah siiyaan Guddiga isku dhafka ah ee hore loo magacabay, si ay si ay xal kama dambeys ah ugu helaan muranka Gaalkacyo,  iyaddoo IGAD uga mahadcelisay beesha caalamka sida ay uga qeyb qaateen dajinta xiisadihii kajiray magaaladda Gaalkacyo iyo sida ay uga go’an tahay xal u ehlista murankaasi oo noqoday mid soo laa laabtay.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...