Kulan looga hadlayo Falalka Argagaxisada iyo dhaqan xumada oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Muqdisho (SONNA) Kulankan oo ay iskugu yimaadeen Imaamyada Masjidyada magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlayay la dagaalanka Xaqjirnimada argagaxisada iyo dhaqan xumada, waxaana soo qaban qaabisay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Diinta iyo Awqaafta oo ay wehlinayeen Xoghayaha joogtada wasaaradda iyo Agaasimaha Waaxda diinta iyo ku dhaqanka Sharaceeda Islaamka.

Xoghayaha joogtada wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Maxamed Qeyroow Aadan ayaa sheegay in wasaaradda diinta iyo Awqaafta aysan ogolaan doonin meelaha lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriye oo dhaqan xumada sababa, iyadoo la kaashan doona Ciidamada amaanka sidii looga hortagi lahaa.

“Wasaaraddu waxay uga digeysaa Mujtamaca Soomaaliyeed isticmaalka waxyaabaha maanka dooriye loona kaashandoono laamaha amaanka, iyadoo loo baahan yahay in bulshada laga ilaaliyo waxyaabaha dhaqan xumada, wacyi galin joogto ah ayaana laga sameyn doonaa”.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Dr.imaan Cabdulaahi Cali ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin Boqolkiiba boqol dad Islaam ah, loona baahan yahay in la iska kaashado wixii umadda Soomaaliyeed lagu badbaadinayo, wasaaraddana ay door wanaagsan ka qaadan doonto arintaasi

“dadkan dadka dilayo ee aan waxba galabsan hadane sheeganaayo Islaam iyo dhaqamada xun xun dhamaan waxyaabahaasi waa wax dhalan rog ah sidaan uga hortagi laheyna ayaa loo baahanyahay in laga fikiro”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...

Taliska Xoogga Dalka oo dardargelinaya howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobolka Baay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...