Wasiirka Warfaafinta XFS”Dowladda Soomaaliya way wadaysaa howlgalada ka dhanka ah Shabaab

Date:

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay sidii loo cirib tiri lahaa Arggagixisada Shabaab,iyadoo kaashanaysa taageerada ay siinayaan Saaxiibada Caalamka,iyo howlgalka Midowga Africa ee Amisom.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Wasiirka oo nugul kamid ah uu soo gaarey Wakaaladda SONNA ayaa lagu yiri.

“Weerarada dhanka circa ah iyo howlgalada Militari ee ka socda Soomaaliya waa kuwo aad looga baaran degay,madaxdana waxay doonayaan in aan waxba la gaarsiin shacabka,weerarkasta oo dhaca,si shacabka bad baado ay u helaan”. Ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Mudane Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Wasiirka Warfafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dhamaan bulshada Soomaaliyeed taageerada ay u muujiyeen ciidanka Xoogga Dalka oo wada howlgaladaasi waxaana uu yiri”

“Nuguma filna in aan dhahno waad mahadsantihiin oo kaliya tageerada aad muujiseen qarixii ka dhacay Soobe 14kii October,in la helo taageerada iyo maskasda Shacabka waa furaha guusha dagaalka ka dhanka ah Alshabaab,dowladda Soomaaliyana waxaa ay wadaysaa howlgalada ka dhanka ah Shabaab,sida duqeynta circa ah si looja jawaabo mashaqadii ay Shacabka u geysteen”. Ayuu yiri Wasiir En Yariisow.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya qeybohooda kaladuwan oo kaashanaya Ciidamada Amisom ay dalka ka xoreyn doonaan Alshabaab,iyagoo sidoo kale kaashanaya Saaxiibada Caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...