Militariga Zimbabwe oo digniin culus ka soo saaray khilaafka siyaasadeed ee Xisbiga ZANU.PF

Date:

Zimbabwe(SONNA) Taliyaha ugu sareeya ee Ciidamada Militariga Wadanka Zimbabwe Janaraal Constantino Chiwenga ayaa ka digay in faragelin milateri lagu sameeyo dagaalka siyaasadeed ee ka dhex taagan xisbiga haya talada waddankaasi ee ZANU-PF,taasi oo suurogal noqon karta hadii xisaddu ay sii socoto.

Didgiinta Janaraalka ugu sareeya Militariga Dalkaasi ayaa imanaysa maalmo kaddib markii Madaxweyne Robert Mugabe uu xilkii ka qaaday ninkii ay u badneyd inuu xilka isaga ka badelo, madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa,waxaana arrintaasi ay sii kordhisay xisadii taagnayd.

Waxaa muddo dheer ka dib bannaanka u soo baxay Dagaalka loogu jiro cidda badalaysa Madaxweynaha 93 jirka ah ee Robert Mugabe,kaasi oo I haatan doonayn inuu xilka banneeyo,balse dhanka kale loo malaynayaa in Mr Mugabe uu u meeldayayo xaaskiiska Grace.

Madaxweyne Robert Mogabe ayaa  xilkii ka qaaday siyaasi la is lahaa waa uu badeli doonaa waa Emmerson Mnangagwa ee, isagoo ku eedeeyay inuu galay khiyaano qaran,taasi oo dhacday Todobaadkii la soo dhaafay.

Mr Mnangagwa oo ah ninka xilka laga qaaday ayaa wararku waxaa ay sheegayan in uu u baxsaday dalka dibaddiisa, Mugabe-na waxa uu wacad ku maray inuu xididada u siibi doono saaxiibadii.

Janaraal Constantino Chiwenga ayaa haatan u muuqda inuu soo dhexgalayo qalalaasahan siyaasadeed.

Taliyaha milateriga Zimbabwe ayaa sheegay in xilkaqaadista ka dhex socoto xisbiga Zanu-PF ee lagu bartilmaameedsanayo dadkii ka soo qeyb qaatay halgankii xornimo doonka ay tahay in la joojiyo.

Madaxweyne Mogabe oo 93 jir ah ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay madaxweynaha ugu aqoonta badan madaxda Caalamka,waxaan waxbarashadiisa uu ku qaatay jaamacado iyo xarumo waxbarasho oo kala duwan oo ku kala yaala wadamo badan oo Caalamka katirsan,waana qof inta badan si weyn u dhaliila siyaasadda wadamada Reer Galbeedka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...