Wasiirka Amniga gudaha XFS oo soo xiray shirkii amniga ee ka socday Magaaladda Kismaayo “Sawirro”

Date:

Kismaayo (SONNA),  Shirkaan oo socday muddo labo casho ah, ayaa waxaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta laamaha amniga dowlad gobolledyada  iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo siddii ay  iskaashi u yeelan lahaayeen, waxaana   kasoo ay kaqeyb galay shirkan  mas’uuliyiinta wasaaraddaha  amniga dowlad gobolleedyada dalka iyo wasiirka amniga gudaha dowladda Soomaaliya.

Inta uu shirka socday,  ayaa looga hadlay la dagaalanka cadowga ummadda  Soomaaliyeed  iyo siddii loo heli lahaa cudada mideysan oo ka hor tagta nabad diidka Alshabaab ee laga itaalka roonaaday.

Shirka wasiiradda amniga dowlad gobollleeyada iyo wasaarad amniga gudaha Soomaaliya, ayaa waxaa laga soo saaray 7 qodob oo muhiim u ah mideynta awoowahada iyo la dagaalanka aragagixisada Alshabaab.

Wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Islow, ayaa ahmiyada shirka la wadaagay warbaahinta, waxaana uu shirkaan ku tilmaamay midkii lagu tayeyn lahaa laamaha amniga dalka iyo isdhaafsiga xogaha ku saabsan argagixisada.


Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...