Tirinta codadka doorashadii Soomaaliland oo socota

Date:

Somaliland(SONNA) In kabadan 700 kun oo codbixiyayaal ayaa codkooda ka dhiibtay ugu yaraan 1,600 oo xarumo codeyn, waxayna kala dooranayeen saddex musharrax oo doonaya in ay bedelaan madaxweynaha xilka baneynaya, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Guddiga doorashada ee Somaliland ee NEC ayaa sheegay in ay dhowr maalin qaadan karto tirinta codadka iyo in natiijada lagu dhawaaqo.

Somaliland oo yeelan doonto madaxweynihii shanaad ayaa shantii sanaba mar qabato doorasho madaxtinimo.

Musharrixiinta tartamaya waxay kala yihiin Muuse Biixi oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye, Cabdiraxmaan Cirro oo hoggaaminaya xisbiga Waddani iyo Faysal Cali Waraabe oo matalaya xisbiga UCID.

Waxaa ku sugan Soomaaliland kormeerayaal caalami ah kuwaasi oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin qaabka ay u dhacday doorashada madaxtinimo ee Soomaaliland.

Waxaa laga dhursugaya natiijada ka soo bixidoonta tirinta codadka iyadoo xisbi kasta iyo taageerayaashiisa ay rajo ka qabaan midkasta in uu guusha dooorashadaasi uu helo.

Markii tirinta codadka ay billaabatay, waxaa hawada laga saaray dhammaan baraha bulshada kuwada xiriirto sida Facebook, WhatsApp, iyo Twitter.

Siilaanyo oo la filayay in uu xilka wareejiyo 2015-kii, waxaa laba sano ugu daray baarlamaanka ka dib abaar daba dheeraatay oo ku dhufatay deegaanada Somaliland iyo xal loo raadinayay farsamada doorashada.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...