Ra’isulwasaaraha oo ka qeybgalay daah furka taageerrada haweenka ee ciidammada qalabka sida

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay munaasabad ay Haweenka Soomaaliyeed ku taageerayeen ciidamadda qaranka oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha, isla markaana ay ku muujinayeen doorkoodu ku aadan xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kula dardaarmay haweenka Soomaaliyeed inay hormuud u noqdaan dagaalka dalka looga xoreynta kooxaha Argagixisada, wuxuna xusay in haweenku ay yihiin bad-baadiyaha qaranka kaalin muuqatana ka soo qaateen halgankii xorriyadda iyo xiliyadii adkaa ee dalku soo maray.

“Haweenku waxay leeyihiin taariikh weyn oo dhanka halganka iyo xornimo doonkii dalka, waxaana loo baahan yahay inaad hormuud ka noqotaan xoreynta dalka, ma aqbali karno in shabaab maalin walba uu dilo dad Soomaaliyeed oo waxba galabsan, waa inaan kuligeen u istaagnaa difaaca qaranka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay haweenka Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in Xukuumadda ka go’an tahay dumarku iney door fir-fircoon ku yeeshaan siyaasadda iyo go’aamada lagu hagayo dalka.

“Go’aanka in 30% kuraasta xildhibaannada Baarlamaanka loo qoondeeyo haweenku waa tillaabo dhaxalgal ah oo loo qaaday dhanka wanaajinta doorka dumarku ugu qayb-qaadanayaan gaarista go’aamada muhiimka u ah dalka. Hadda wixii ka dambeeyana waxaan ka shaqeyn doonaa in dumarku ay helaan fursado ka badan kuwii hore” ayuu yiri R/W Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iney garab istaagaan ciidamadda, si meesha looga saaro dhibaatada ay dalka iyo dadka ku hayso argagixisadu.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin ciidamadda qalabka sida, kana qeyb qaadanayaan dagaalka lagu xoreynayo dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud,...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...