Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo Tabbabar loo furay

Date:

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa waxaa loo tababbarayaa in ay dajiyaan Qorshaha Wasaaradda ay ku shaqeyn doonto Sanadaha soo socda, waxaana tababbarka siinaya Macalimiin Ajaanib iyo Soomaali waxaana kaalin wanaagsan ka qaadanaya Hey’adda UNDP oo Soomaaliya arrimo badan ka taageerta.

Furitaanka waxaa ka qeyb galay masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf “Al Cadaala” ayaa sheegay in looga baahan yahay Shaqaalaha inay si wanaagsan uga faa’iideystaan Casharadda lasiinayo.

“Waxaan idinka rabnaa in aad si wanaagsan uga faa’iideysataan Tababarkan waxaad tihiin kuwo muhiim u ah Wasaaradda iyo Qorshaha ay leedahay waana sababta badankiin leydiin soo xushay”.ayuu yiri Agaasimaha Guud.

Xogayaha Joogtada Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya Cabdi Diirshi ayaa waxa uu sheegay in mudooyinkaanba laga soo shaqeynayey in Tababarkan labilaabo balse maanta suurto gashay.

“Arrintan waxaa si-gaar ah uga shaqeeyey Wasaaaradda Warfaafinta inagana gacan ayaan ku siinay runtii waxaa jiray Koox ay Wasaaradda Warfaafinta u soo dirtay Wasaaradda Qorsheynta kuwaas ayaana hirgaliyey arrintan”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa tilmaamay in Wasaaradda Warfaafinta ay kamid tahay Wasaaradaha ugu shaqadda badan loona baahan yahay inay Shaqaalaheedu noqdaan kuwo dhankasta ka dhisan.

“Waxaan ku kalsoonahay Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta inay yihiin kuwo howl kar ah kuwaas oo ka faa’iideysan kara Tababarkan aadka muhiimka inoogu ah”.ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka.

Tababbarkan waa waxaa uu socon doonaa sida uu Qorshuhu yahay mudo Seddex maalin ah waxaana lagu bixinayaa Cashiro ku aadanka hormarinta Qorshaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...