Ra’iisul Wasaare Khayre “Haweenka Soomaaliyeed waa inay hormuud u noqdaan xoreynta dalka

Date:

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay munaasabad ay Haweenka Soomaaliyeed ku taageerayeen ciidamadda qaranka oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha, isla markaana ay ku muujinayeen doorkoodu ku aadan xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kula dardaarmay haweenka Soomaaliyeed inay hormuud u noqdaan dagaalka dalka looga xoreynta kooxaha Argagixisada, wuxuna xusay in haweenku ay yihiin bad-baadiyaha qaranka kaalin muuqatana ka soo qaateen halgankii xorriyadda iyo xiliyadii adkaa ee dalku soo maray.

“Haweenku waxay leeyihiin taariikh weyn oo dhanka halganka iyo xornimo doonkii dalka, waxaana loo baahan yahay inaad hormuud ka noqotaan xoreynta dalka, ma aqbali karno in shabaab maalin walba uu dilo dad Soomaaliyeed oo waxba galabsan, waa inaan kuligeen u istaagnaa difaaca qaranka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay haweenka Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in Xukuumadda ka go’an tahay dumarku iney door fir-fircoon ku yeeshaan siyaasadda iyo go’aamada lagu hagayo dalka.

“Go’aanka in 30% kuraasta xildhibaannada Baarlamaanka loo qoondeeyo haweenku waa tillaabo dhaxalgal ah oo loo qaaday dhanka wanaajinta doorka dumarku ugu qayb-qaadanayaan gaarista go’aamada muhiimka u ah dalka. Hadda wixii ka dambeeyana waxaan ka shaqeyn doonaa in dumarku ay helaan fursado ka badan kuwii hore” ayuu yiri R/W Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iney garab istaagaan ciidamadda, si meesha looga saaro dhibaatada ay dalka iyo dadka ku hayso argagixisadu.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin ciidamadda qalabka sida, kana qeyb qaadanayaan dagaalka lagu xoreynayo dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...