Wasiirka Maaliyadda”Dhawaan Miisaaniyadda dowladda 2018 waxaa la horgeynayaa Golaha Wasiirada iyo Baarlamanka”

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in wasaarada Maaliyadda ay isku diyaarineyso sidii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ay u horgeyn laheyd Miisaaniyada cusub ee sanadka 2018.

Wasiirka oo war kooban ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in sidoo kale la horgeyn doono Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya si ay u ansixiyaan ka dibna Baarlamaanka loo gudbin doono.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay rajeynayaan in Miisaaniyadda cusub ay noqoto mid wax ka qabato Baahiyaha Dowlada.

Sanadka cusub ee 2018ka ayaa waxaa ka harsan oo kaliya 1 bil iyadoo,waxaana lafilayaa in Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay dhawaan wajihi doonaan meelmarinta miisaaniyadaasi oo muhiim u ah howlaha dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa

Xeebta magaalada Barawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa subaxnimadii...

SoDMA oo gargaar raashin ah u qaybisay 2,000 oo qoys oo ku sugan Baardheere

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa degmada Baardheere...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...