Wasiir kuxigeenka Amniga Gudaha oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Rwanda

Date:

Wasiir ku-xigeenka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Abdinasir Saciid Muuse oo uu wehlinayay Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Amb. Ali Mohamed Ali ayaa waxa ay maanta ku soo dhoweeyeen Muqdisho wafdi ka socda Dowladda Rwanda oo uu hoggaaminayay Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga ee Rwanda Mr. Claude NIKOBISANZWE.

Imaanshiyaha wafdigan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib kulan bishii October 21 ku dhexmaray Magaalada Kigali Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Rwanda H.E. Ms. Louise Mushikiwabo iyo Wasiir kuxigeenadda Arrimaha Dibadda iyo Amniga gudaha ee Soomaaliya oo looga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Dowladda Rwanda ayaa beri oo Isniin ah soo gaarsiin doonta Muqdisho deeq daawo ah oo toban tan ka kooban , waxaana loogu talagalay in lagula tacaalo, laguna daweeyo dhaawacyada qaraxyadii ugu dambeeyay ee ruxay Caasimadda Muqdisho.

Qaabilaadda Wafdiga Dowladda Rwanda ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Agaasimaha guud ee habmaamuuska Qaranka Adv. Hersi Haji Olosow, Agaasimaha Waaxda Afrika Mr. Abdilatif Mohamud Ali iyo Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Ethiopia Mr. Hassan-Nur Abdi Aden iyo diblomaasiyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...