Safiirka Soomaaliya ee K/Afrika oo la shiray ganacsatada+Sawirro

Date:

K/Afrika(SONNA) Kulankan oo lagu qabtay Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Pretoria ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrika, iyadoo ay ka qeybgaleen  Ganacsatada Soomaalida qaar ka mid Gobolada ay Soomaalida u badantahay ee Dalkaasi

Kulankan oo ahaa kii labaad oo ay Safaaradda u qabato qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaalida ayaa loogu hadlayay sidii loo hormarin lahaa ganacsiga Soomaalida iyo sida loo dhisi lahaa Madal ay ku mideysanyihiin Ganacsatada Soomaalida K/Afrika oo ay Safaaradda  ka caawinayso xagga Sharciyada Dalka si loogu midoobo dhibaatooyinka u badan dilalka iyo dhaca ee Soomaalida kala kulmaan burcadda K/Afrikanka.

Qaar ka mid ah Ganacsatada oo ka hadlay madasha ayaa sheegay tallaabadan lagu mideynayo ay tahay mid loo baahanyahay si loo hormariyo ganacsiga Soomaalida oo sanadihii dambe sii yaraanayay,kadib markii ay Soomaali badan dib ugu laabteen dalka qaar kalana  ay barakaceen.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Wadamada Afrika Koonfuureed, Jamal Barrow oo shir Guddoominayay kulanka ayaa sheegay hadii la helo isku duubni ay Safaaraddu ka caawin karto waxyaabah loogu baahdo Dowladda K/Afrika.

” Hadii aan midobno waxaan ku gorgortami karnaa cududeena Shirkadaha dalka ka jiro taas ayaa waxaa ka mid ah waxyaabaha aan u dhiiragalinayno inaad noqotaan hal madal waxaana jira Shirkado badeeco siin karo Ganacsatada,waxaa kale keeni karnaa halkaan maalgaliyaasha Soomaaliya jooga halkaan” ayuu yiri Safiir Jamal Barrow.

Todobaadyada soo socda ayay Madaxda Safaaradda u socdaali doonaan Gobolada Soomaalida ka deganyihiin K/Afrika si loo helo fikirado kala duwan kuwaas oo ugu dambeyntii mideyn kara Ganacsatada Soomaalida K/Afrika oo hada kala qoqoban si ay ugu midoobaan dhibaatooyinka iyo barakicinta joogtada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed CXD ayaa fuliyay howlgallo amni...

Degmada Dhahar oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka bisha Ramadaan

Degmada Dhahar oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa u...

Safiirka Soomaaliya ee Australia oo aqoonsiga laga guddoomay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Australia...