Xildhibaannada Golaha Shacabka oo meelmariyay Hindise Sharciyeedka Biyaha

Date:

Muqdisho(SONNA)-Kalfadiga 2-aad kulankiisa 28-aad ee mudanayaasha Golaha Shacabka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa ugu horeyn warbixin looga dhageystay guddigii loo xil saaray in ay kasoo baaraan degaan qaraarkii Xukuumadda ee lixdii September, waxaana Xildhibaana Cabdirisaaq Cumar Maxamed uu sheegay in ka guddi ahaan ay meel gaba gabo ah u mareyso warbixintaasi.
Intaasi kadib Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay ayaa Xildhibaanada Golaha u jeediyay in ay cod geliyaan Hindise Sharciyeedka biyaha oo ay Xildhibaanada horey uga doodeen waxaana ogolaatay 147, mudane, iyadoo saddex Mudane ay diideen sida uusheegay Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo sidoo kale ka codsaday gudiga kheyraadka dabiiciga ah ee golaha in uu ku lifaaqo warbixintiisa oo uu u gudbiyo Golaha Aqalka Sare si ay uga gutaan waajibkooda.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalim Caliyow Ibrow ayaa u mahad celiyay guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka, gaar ahaan Guddiga Kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Shacabka dadaalkii ay geliyeen sharcigan.

Intaasi kaddib waxaa la guda galay warbixinta guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka ee ku aadan xisaab xirka 2015-ka iyo 2016-ka, waxaana guddiga uu gaba gabada warbixntiisa kaddib uu ku taliyay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin in la fuliyo arrimaha uu Baarlamaanku go’aanada kasoo saaray ee ku lifaaqnaa ansixinta miisaaniyadda, gaar ahaan qarashaadaka ku saabsan nidaamka miisaaniyadda iyo bixinta xuquuqda shaqaalaha iyo qaansheegatooyinka baaqiga ku ah Xukuumadda, iyadoo loo sameynayo qorshe cad oo waqtiyeysan meel marintooda, in mar kuuyimaado koror amaba is dhin miisaaniyadeed la sameeyo miisaaniyad ku celin xili munaasib ah sida uu qabo sharcigu iyo in Wasaaradda Maaliyadda ay qabsato shaqadeeda dakhli uruurin oo aysan cid kale u xilsaarin taasi oo sababtay hoos u dhac weyn oo dhinaca dakhliga ah.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay warbixinta guddiga Maaliyadda ee ku aadan xisaab xirka 2015 iyo 2016-ka waxaana ugu dambeyn kulanka soo xiray Gudoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...