Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo xariga ka jaray xarrunta cusub ee Telefishinka Jubbaland.

Date:

iyadoo la fulinayo heshiiskii dhawaan magaalada Muqdisho ay kuwada saxiixdeen Agaasimaha TV-ga qaranka Soomaaliyeed (SNTV) iyo Agaasimaha TV-ga Jubbaland oo qeexayay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac ayaa maanta si rasmi ah loo furay xafiis Wasaarada Warfaafintu ay siisay TV-ga Jubbaland kaasi oo uu xariga ka jaray Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan.
Agaasimaha Telefishinka qaranka Soomaaliyeed mudane Liibaan Cabdi Cali ayaa sheegay in TV-ga qaranku uu si dhow ula shaqeyn doono muuqaal baahiyaha Jubbaland ,isagoona dhanka kale xusay in warbaahinta dowlad goboleedyada kale ay Wasaaradda Warfaafintu siin doonto xafiisyo ay ku shaqeeyaan.
Agaasimaha Telefishinka Jubbaland Yuusuf Xasan Cadaani ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya sida ay uga go’an tahay la shaqeynta warbaahinta dowlad goboleedyada iyo tan gaarka loo leeyahay arintaasi oo uu sheegay inay fududeyneyso wacyigalinta bulshada.
Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo ka hadlay xarig ka jarka xarrunta Telefishinka Jubbaland ayaa sheegay in arintan ay qeyb ka tahay xoojinta wada shaqeynta Wasaaradaha Warfaafinta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ,wuxuuna si gaar ah u bogaadiyay Jubbaland TV oo marwaliba wada shaqeyn dhow laleh Telefisihinka Qaranka (SNTV)
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe ku howlaneed kor u qaadista xiriirka wada shaqeyneed ee Warbaahinta qaranka iyo warbaahinta dowlad goboleedyada iyadoo hadda Wasaraddu bilaawday in Telefishinada dowlad goboleedyada xafiisyo laga dhax siiyo xarrunta Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...